DAAWO SAWIRO:- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray Saldhiga ciidamada dalka Turkiga

by B.A.M | Saturday, Sep 30, 2017 | 502 views

Hiiraan Xog, Sep 30, 2017:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xarigga ka jaray Saldhigga Milateri uu Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababari doono Ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Munaasabadda Furitaanka Saldhiggan oo soo gaba gabowday ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, saraakiil ka tirsan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada guud ee dalka Turkiga, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray sladhiggan Ciidan.

Saraakiisha Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaasha Saldhiggan iyo howlaha uu qaban doono, iyadoo lagu wado in dhowaan lagu arkayo in ka badna 1,500 askari oo lagu tababari doono xerada.

Saldhiggan ayaa u dhameystiran dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka ahaa, sida guryaha la dejinayo ciidamada la tababarayo, garoon kubadda cagta, K/koleyga, teeniska, qeyb orodka, masaajid iyo goobo kale oo ciidamada lagu tababarayo.

Waa saldhigii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana saldhiggan loo dhisay qaab casir ah, waxaana ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga dalka Turkiga oo wata gawaarida dagaalka.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response