AKHRISO:- Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo xilka ka qaaday Gudoomiye Cali Gacal Casir

Hiiraan Xog, Sep 30, 2017:- Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in xilkii laga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir,

Sida noo xaqiijiyeen goobjogayaal  ku sugan magaalada Cadaado waxaa shirka ay qabteen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug soo xaadiray 52 Xildhibaan, wuxuuna Madaxweyne Xaaf ka codsaday inay xilka ka qaadaan Guddoomiyahii Baarlamaanka Galmudug Axmed Gacal Casir.

Sida wararku sheegayaan lana sugayo in waraaq rasmi ah lasoo saaro, waxaana u codeeyey in xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka dhammaan  52-dii Xildhibaan ee soo xiray Shirkaas kuwaas oo sheegay inaysan u dulqaadan doonin in la dumiyo Maamulka Galmudug.

Waxaa hadda socdo cod ka qaadis kale oo lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne ku xigeenka, waxaana lafilayaa in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo xil ka qaadista madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug.

 





Be the first to comment

Leave a Reply