Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Sep 29, 2017:- Wafdi uu hogaaminayo taliyaha Guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,waxaana halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.

Waxaa wefdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad dalka Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo ciidamada Amniga ay si weyn u sugayaan nabad gelyada.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socoda Dalka Turkiga kuwaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xarigga looga jarayo xarun lagu tababaro ciidamada oo Turkiga ka hirgeliyay magaalada Muqdisho.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply