Qarax ismiidamin ah oo lagu weeraray maqaayad ku taal degmada Xamar weyne ee magaalad Muqdisho

Hiiraan Xog, Sep 28, 2017:- Maqaayad kutaalo degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho oo Qarax xoogan lala beegsaday iyo qasaara xoogan oo ka dhashay halka uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la sheegay in la dhigay, afaafka hore ee maqaayadda oo ku dhow Bacadlihii hore ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Maqaayada la Qarxiyay oo lagu macaaabayay Isa-Saar ayaa waxaa xiliga Qaraxa ku sugnaa dad farabadan oo halkaa wax ka cunaayay, halka dadka qaarna ay fadhiyeen banaanka hore ee Maqaaxida.

Maqaayadda Isa-Saar ayaa caan ka ah degmada Xamar weyne iyo nawaaxigeeda waxaana halkaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa u badan kuwo ku qayilaayay goob aan ka fogeyn Maqaaxida iyo kuwo Bajaajlayaal ahaa oo afafka Maqaaxida ku sugnaa.

Warar hordhac oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in dhimshada ay ku dhow dahay ilaa Todobo ruux, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaafaya Toban ruux oo shacab ah.

Gaadiidka Gurmadka ayaa sidoo kale daabulaaya meydadka iyo dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxa waxaana sidoo kale gurmad fidinaaya dad shacab ah ee halkaas ku sugnaa .

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo xiray maqaayada iyo nawaaxigeeda si uu Qarax labaad halkaas uga dhicin.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply