Daawo Sawiro:- Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir

by B.A.M | Thursday, Sep 28, 2017 | 1159 views

Maqaayad kutaalo degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho oo Qarax xoogan lala beegsaday iyo qasaara xoogan oo ka dhashay halka uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la sheegay in la dhigay, afaafka hore ee maqaayadda oo ku dhow Bacadlihii hore ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Maqaayada la Qarxiyay oo lagu macaaabayay Isa-Saar ayaa waxaa xiliga Qaraxa ku sugnaa dad farabadan oo halkaa wax ka cunaayay, halka dadka qaarna ay fadhiyeen banaanka hore ee Maqaaxida.

Maqaayadda Isa-Saar ayaa caan ka ah degmada Xamar weyne iyo nawaaxigeeda waxaana halkaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response