Madaxweynaha Soomaaliya oo amray taliyaasha ciidamada ku sugan Shabeellaha Hoose

by B.A.M | Thursday, Sep 14, 2017 | 621 views

Hiiraan Xog, Sep 14, 2017:- Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka uu kulan khaasa la qaatay Taliyayaasha ciidamada Militeriga ee ka hoos shaqeeya Wasaarada Gaashandhiga Dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliyayaasha kala hadlay dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada Militeriga kawadaan Gobolka Shabellaha Hoose iyo suuragalnimada in muddo kooban ay kusoo afjaraan.

Madaxweynaha oo dhinacyo badan ka taabtay ahmiyada uu dhaqdhaqaaqa u leeyahay dowlada ayaa Taliyayaasha faray in muddo Seddex bil ah jawaab looga keeno Al-shabaabka ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa uu Taliyayaasha faray inay soo afjaraan dagaalka lagula jiro A-shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna ballanqaaday in qabashada guud ahaan Gobolka Shabellaha Hoose uu ku bixin doono abaalmarin.

Madaxweynaha ayaa Taliyayaasha ku amray in ciidamada Militeriga ay u dhaqaaqan goobaha ay Gobolka kaga sugan yihiin Al-shabaab, si loo soo afjaro dagaalka socda.

Sidoo kale, waxa uu Taliyayaasha ku wargaliyay inaysan wada shaqeyn doonin haddii ay dhacdo in xuquuqda ciidamada la galiyo shaki.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Madaxweynaha dalka uu ballanqaaday in dowladiisu ay qaadi doonto dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response