AKHRISO:- Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo xilka ka qaaday khasnajiga guud dowlada hoose ee Xamar

by B.A.M | Thursday, Sep 14, 2017 | 208 views

Hiiraan Xog, Sep 14, 2017:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto xafiiskiisa ka soo baxday waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose ee Xamar C/raxiin Iimaan Jimcaale.

Guddoomiye Taabid ayaa xilkan u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose.

Wareegtada magacaabis ee ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa timid, maalin kaddib markii Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Dheere Xaaji ay shaqo joojin ku sameysay C/kariin Iimaan Jimcaale.

Warbaahinta ayaa heshay nuqulada qoraalada ka soo kala baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda.

Tan iyo markii Guddoomiye Taabid xafiiska la wareegay, waxaa uu maamulkiisa qaadayay tallaabooyin xil ka qaadis iyo magacaabis taxane noqotay.

Halkaan hoose ka Akhriso Xilka qaadista.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response