Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo ku geriyoday magaalada Muqdisho

by B.A.M | Wednesday, Sep 13, 2017 | 510 views

Hiiraan Xog, Sep 13, 2017:- Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo u shaqeynayay Telefishinka maamulka Jubbaland, kaasoo ku dhaawacmay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wariyahan oo dhaawiciisa aad u cuslaa ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaa la dhigay isbitaalka Digfeer.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa horay u sheegay in dhaawiciisa aan waxba looga qaban karin dalka, isla markaana ay bir ka mid aheyd firirkii qaraxa ay maskaxda ka fariisatay.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana socda qaban qaabada aaskiisa.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response