Madaxweynaha dalka Brazil oo dhaliilay waaxda caddaaladda ee wadanka Brazil

by B.A.M | Wednesday, Sep 13, 2017 | 86 views

Hiiraan Xog, Sep 13, 2017:- Madaxweynaha dalka Brazil, Michel Temer ayaa waaxda cadaaladda ee dalkiisa ku eedeeyay in eedaymaha loo soo jeediyay ee musuqmaasuqa ay u adeegsanayso in ay ku burburiso sharaftiisa.

Hadalka Temer ayaa yimid saacado uun ka hor markii maxkamadda ugu sarraysa caddaaladda ay fasaxday in madaxweynaha lagu sameeyo baaritaan cusub oo musuqmaasuq.

Madaxweynaha iyo siyaasiyiin kalaba waxaa hadda ku sii socday baaritaanno kale oo musuqmaasuq.

Xafiiska madaxweyneTemer oo warka ka soo hormariyay go’aanka maxkamadda ayaa dhaliilay baaritaanka cusub musuqmaasuqa.

Baaritaanka musuqmaasuq ee ugu wayn dalkaas ayaa wadanka dhexdiisa laga dhahaa Operation Car Wash, waxaana lagu sheegay musuqmaasuq meeshii ugu sarraysay gaaray.

Dadka baaritaanka lagu hayo muddada saddexda sano ah waxaa ka mid ah, labo madaxweyne oo hore oo u dhashay dalka Brazil.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response