Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in gudi madax banaan loo saaray arinta Qalbi Dhagax

by B.A.M | Wednesday, Sep 13, 2017 | 156 views

Hiiraan Xog, Sep 13, 2017:- Doodii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka lahaayeen qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay C/kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa goor dhow soo dhamaatay, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in arrintan loo saaray Guddi madax banaan.

Xildhibaanada ayaa doodooda aad ugu kala aragti duwanaa, qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in go’aankii Xukuumadda uu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ay khalad aheyd in dowladda Soomaaliya u gacan geliso Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa dowladda Itoobiya.

Sidoo kale Xildhibaano kale ayaa difaacayay go’aanka Golaha Wasiirada gaareen 6-dii bishan, iyagoo qaarkood ku taageeray.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaba gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu arrintan ka soo tala bixiyo natiijada loo soo gudbinayo Xildhibaanada

Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response