DAAWO VIDEO:- Saxafiyinta gobolka Hiiraan oo ka tacsiyadeyay geeridi ku timid AUN Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo manta lagu Aasay magaalada Muqdisho

by B.A.M | Wednesday, Sep 13, 2017 | 648 views

Hiiraan Xog, Sep 13, 2017:- Saxafiyinta ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa ka tacsiyadeyay geeridi ku timid allaha unaxariiste Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo ka mid ah saxafiyinta ka howlgala Gobolka Hiiraan islamarkana Wakiil Wareed u ahaa Tvga Jubbaland kaaso isbitaalka digfeer ee Magalaada Muqdisho ugu geeriyooday dhawac ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday maqaayad ku talla afaafka hore ee laga galo xaruunta Maamulka gobolka ee Magalaada Baladweyne.

” Waxan halkan tacsi uga direyna dhamaan eheladii iyo Asxaabtii u ka geeriyooday Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin wuxu ahaa shaqsi howl kar ah oo dadkiisa u shaqeynayay xiliga  u dhawacmayay wuuxu ku guda jiray howlihiisa shaqo Maamulka Jubbaland Tv waxan ugu baqeyna inay garab istagan xaaska iyo caruurta u ka tagay marxuum-ka.

Allaha unaxariiste Wariye Cabdulahi Cismaan Macalin oo ka mid ahaa Saxafiyinta ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa ifka uga tagay  Xaas iyo hal gabar.waxana maanta lagu asay Magalaada Muqdisho.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response