Qaar ka mid ah Musharaxiinta maamulka Hirshabeelle oo loga yeeray Madaxtooyada Vila Soomaaliya

by B.A.M | Tuesday, Sep 12, 2017 | 537 views

Hiiraan Xog, Sep 12, 2017:- Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa shalay looga yeeray magaalada Muqdisho, kuwaasoo diyaarado gaar gaar ah looga soo qaaday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Musharaxiintan oo kala ah Daahir Cabdulle Cawaale, Cabdi Faarax Laqanyo iyo C/naasir Xaaji Shirwac ayay wararku sheegayaan inay taageero ka raadinayaan dowladda Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo si kala gaar gaar ah ay u wataan Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay gadaal ka taageereyso Musharaxiintan oo qaarkood loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar si hab maamuus Madaxweyne, isla markaana ay ilaaliyaan Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wado isku day ay ku dooneyso inay ku mideyso Musharaxiintan, isla markaana isku tanaasulaan, marka la gaaro wareega ugu dambeeya ee doorashada Hirshabeelle.

Warar qaar ayaa sheegaya in saddexdan Musharax ay kala taageerayaan Xafiiska Madaxweynaha, kan Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay ka mid yihiin musharaxiinta u taagan xilka,

Musharax Cabdi Faarax Laqanyo ayaa la tilmaamay in Madaxtooyada ay taageereyso, waxaana xalay la sheegay inuu la balansanaa Madaxweynaha.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo lagu tilmaamay inuu yahay Musharaxa ugu saameynta badan xilligan ayaa waxaa uu taageero ka heystaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan doowlada Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Sabtida ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16 bishan, waxaana magaalada ka socdo olole aad u xooggan iyo kulamo Musharaxiinta ay ku kasbanayaan Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response