Maxay tahay khatarta ay wajahaan muhaajiriinta da’da yar ee Afrika?

by B.A.M | Tuesday, Sep 12, 2017 | 85 views

Hiiraan Xog, Sep 12, 2017:- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carruurta u dhalatay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ay yihiin kuwa ugu nugul dhammaan muhaajiriinta iskudayaysa inay Yurub ka galaan dalalka Liibiya iyo Turkiga.

Faaqidaaddii ugu faahfaahsaneyd ee ilaa iyo haatan laga sameeyay mowjadaha muhaajiriinta, ayaa Hay’adda Dhallaanka ee UNICEF iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM waxa ay ku sheegeen in dhallaanka ka imaanaya dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ee marka ay u socdaan Yurub soo mara Liibiya ay u badan tahay in tacaddiyo loo gaysto, laga ganacsado misana xuquuqdooda lagu tunto.

Maadaama ay sii socdaan mowjadahan muhaajiriinta ayaa hay’adaha caalamiga ah waxaa u suuragalaysa inay soo uruuriyaan xogta ku saabsan cidda khatarta ugu badan wajahda.

Waxaanse layaab lahayn in carruurta ay da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 17 sano ay yihiin kuwa ugu nugul.

Haddii aanay aqoon lahaynna khatartu waa ay sii kordhaysaaba.

Haddii canugu uu kaligii socdaalayo oo uu misana ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ayaa waxaa sii badanaya dhibaatada soo foodsaari karta.

Guud ahaan muhaajiriinta Liibiya sii marta ayey da’doodu ka yar tahay kuwa ka gudba dhabbahan lagu magacaabo Bariga Mediterranean ee Turkiga.

Qoraaga warbixintan ayaa hoosta ka xariiqay farqiga u dhaxeeya labadaasi waddo, isagoo sheegay in midab kala soocu uu dhibaatada dowr muhiim ah ka ciyaarayo.

Heerarka ka ganacsiga dadka, xariga aan sababta lahayn iyo shaqaalaynta khasabka ah ayaa si weyn ugu baahsan dalka Liibiya.

Socdaalka halkaasi loo galo ayaa ah kuwo dhaadheer oo khatar badan.

Midab takoorka iyo naceybka ajaanibta ayaa ku soo kordhaya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Muhaajiriin badan oo warbixintan lagu wareystay ayaa sheegay in loo gaystay tacaddiiyo midabkooda madow awadii.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response