Gudiga joogtada Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyay in laga doodo arinta Qalbi dhagax

by B.A.M | Tuesday, Sep 12, 2017 | 206 views

Hiiraan Xog, Sep 12, 2017:- Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa kulan uu maanta yeeshay ku go’aamiyay in berri oo Arbaco ah la qaban doono ay  fadhi uu yeelanayo Baarlamaanka,isla maraana qodobada laga doodayana uu ka mid  noqon doono arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbi dhagax.

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga joogtada ah uu ku wargeliyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyadoo loo direy dhammaan xildhibaanada fariimo loogu sheegayo in ay ka soo qeybgalaan kulankan.

Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid muhiim ah iyadoo arrinta Qalbi dhagax ay noqotay mid xasaasi ah kadib markii dhowaan Golaha Wasiirada kulan ay yeesheen ay dowlada ku qiratay inay u gacan gelisay Cabdikariin Cumar Maxamed Qalbi dhagax.

Kulkan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa kooram la’aan u baaqday iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku eedeeyeen dowlada inay ka dambeysay in kulankaas uu baaqdo.

Hase yeeshee, kulan ay shalay yeesheen Senatarada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay arrinta ka doodista  Cabdikarin qalbi dhagax,hase yeeshee cod loo qaaday ayaa dib loogu dhigey arrinta Qalbi dhagax.

Dowlada Soomaaliya  ayaa culeys weyn ku noqday arrinta ku saabsan Cabdikariin Qalbi dhagax iyadoo ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay u gacan gelinta dowlad Ethiopia sarkaalkan ka tirsanaa ONLF.

Lama ogaankaro kulanka bari ah ee baarlamaanka Soomaaliya in uu si sax ah u furmayo iyo in kale

Khilaafka ka dhashay Cabdikariin Qalbi dhagax ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaadka soo socda lagu wado in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgalayo shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Maraykanka.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response