DHAGEYSO:- Al-shabaab oo soo bandhigay ninkii fuliyay weerarki lagu qaaday Magaalada Balad-Xaawo

by B.A.M | Tuesday, Sep 12, 2017 | 691 views

Hiiraan Xog, Sep 12, 2017:- Al Shabaab ayaa Faafifiyay wareysi laga qaaday naftii haligihii fuliyay weerarkii lagu daah furay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr) oo u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle  ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ka hor intii uusan fulin weerarka wuxuu uga hadlay arrimo dhowr ah.

Ninkan ayaa sheegay sababta uu u doorbiday Isqarxinta inay tahay sidii uu ugu aargudi lahaa shacabka Soomaaliyed ee dhibaatooyinka kala duwan loo gaystay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu fariin u diray eheladiisa oo uu ka codsaday inay qayb ka noqdaan dagaalada ka socda Soomaaliya, ayna garab Istaagaan Xarakada Al Shabaab.

Naftii Halige Axmed Jaamac ayaa isku qarxiyay Xerada ciidamada Maamulka Jubbaland ee duleedka Magaalada Baled Xaawo, halkaasi oo uu ku laayay ciidan badan oo Soomaali ah sida aay sheegen Al shabaab.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREEYSIGA.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response