Ciidamada Ammaanka dalka Kenya oo gacanta ku dhigay Rag u dhashay dalka Burundi oo donayay in aay ku biiraan Al-shabaab

by B.A.M | Tuesday, Sep 12, 2017 | 123 views

Hiiraan Xog, Sep 12, 2017:- Ciidamada ammnka dalka Kenya oo gacanta ku dhigay 4 ruux oo u dhashay dalka Burundi kuwa oo doonayay in aay ku biiraan xoogaga Al-shabaab.

Afartaan qof oo watay dhalashada dalka Burundi ayaa waxaa laga qabtay degmada Isiolo-Marsabit  xilli ay ku soo jeedeen Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada dalka Kenya oo maanta la hadlay saxaafadda.

Xubnahaas ayaa la sheegay in laga helay cadeymo muujinaya in ay u socdeen Soomaaliya, islamarkaana ay doonaayeen in ay ku biiraan Al-Shabaab.

“Waxa ay ciidamada Booliska ay joojiyeen gaari u socday dhanka xadka  Soomaaliya, waxaana ay ka heleen afar qof oo u dhashay Burundi oo doonaayay in ay ku biiraan Al-Shabaab.” ayuu yiri Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.

Magacyadda raga la qabtay ayaa lagu kala sheegay Ntakarutimana Benerd, 41 sano jir ah, Niyongere Yuusuf, 32 sano jir ah Nshimirimana Fulgnce Shadady, 31 Sano jir ah  iyo Booso Abderauf, 20 jir.

Al Shabaab ayaa waxaa ka bar bar dagaalama ciidamo Ajaanib badan oo u kala dhashay dalalka deriska la’ah Soomaaliya, kuwaasi oo fuliya weerarada kala duwan ee ka dhaca gudaha dalka Kenya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response