Shaqaalo u shaqeeynayay Hay’ad samafal ah oo laga afduubtay duleedka magaalada Baydhabo

by B.A.M | Monday, Sep 11, 2017 | 161 views

Hiiraan Xog, Sep 11, 2017:- Shaqaale u shaqeeynayay Hay’ad samafal ah oo laga afduubtay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sida ay sheegayana wararka dabley hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shaqaalahan oo gaarayay ilaa lix ruux.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shaqaalahan la afduubtay xilli ay deegaanka Garas Mooshin ka qeybinayeen cunto naqafeysan

Shaqaalaha la afduubtay oo gebi ahaan Soomaali ahaa ayaa ka tirsanaa Hey’ad sama fal oo ka howl galeysay deegaanada koofur galbeed.

Ma ahan markii u horeysay oo shaqaale sama fal lagu afduubto duleedka magaalada Baydhabo labo bilood ka hor ayay aheyd markii shaqaale sama fal la afduubtay, kuwaasoo markii dambe la sii daayay.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response