Madaxii ciidamada Lesotho oo toogasho lagu dilay

by B.A.M | Wednesday, Sep 6, 2017 | 181 views

Hiiraan Xog, Sep 6, 2017:- Madaxii ciidamada dalka Lesotho, Khoantle Motsomotso, iyo labo kale oo saraakiil sarsare ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday saldhigyo milatari oo ku yaalla caasimadda dalkaas ee, Maseru.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in saraakiil ay galeen xafiiska madaxi ciidamada ayna toogteen, kahor intaysan dilin labo ilaalo u ahaa.

Raysal wasaare Thomas Thabane ayaa sheegay in xaaladdu ay haatan deggan tahay waxayna dadka ku boorriyeen inay is dejiyaan.

Lesotho ayaa waxaa soo maray xilliyo degganaansho la`aan ah oo ay sal u ahaayeen afgembiyo iyo isku dayo afgembi.

Xaaladda magaalada Maseru ayaa la sheegay inay tahay mid cakiran iyadoo milatariga iyo booliisku ay ay ilaalinayaan waddooyinka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in baaritaan uu socdo si loo ogaado sida ay wax u dhaceen iyo sababtaba.

Waxaa dalkaasi ka dhacday saddex doorasho saddexdii sano ee la soo dhaafay, oo tii ugu dambeysay ay dhacday bishii June.

Raysal wasaare Thabane, ayaa haatan madax u ah dowlad isbahaysi ku dhisan.

Sanadkii 2014 Mr Thabane ayaa u qaxay dalka Koofur Afrika, isagoo ka qabayay in la bartilmaameedsado oo la dilo.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response