DAAWO SAWIRO:- Qaraxii ay fashiliyeen cidamada dowlada Soomaaliya ee ka dhacay wadada Makal Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

by B.A.M | Sunday, Aug 27, 2017 | 296 views

Hiiraan Xog, Aug 27, 2017:- Qaraxa ayaa lagu soo xeray gaari kuwa raaxada ah oo la sheegay in la soo dhigay wadada Makal Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana durbadiiba ka warhelay ciidamada Amniga ee dowlada Soomaaliya.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la dhigay afaafka hore ee Hotelka Mubaarak oo ku yaala wadada Maka-Almukrama,waxaana Gaarigaas ka shakiyay ciidamada xasilinta oo goobta ku sugnaa.

Ciidamada ayaa xiray wadada si uusan hadii uu qarxo waxyeelo ugu geysan dadka Shacabka ah waxaana ugu dambeyn uu qarxay Gaarigii.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas aysan cidna wax ku noqon maadaama Ciidamdu ay dadka u diideen in ay ka agdhawaadaan,isla markaana Goobihii Ganacsi horay loo xiray.

Waxaa kalo ciidamada hakiyeen isku socdka gawaarida iyo shacabka maryay wadada Makal Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response