Shan boqol oo qof oo ku dhimatay Mussiibada dalka Sierra Leone

by B.A.M | Friday, Aug 25, 2017 | 128 views

Hiiraan Xog, Aug 25, 2017:- Dowlada dalka Sierra Leone ayaa sheegtay in inkabadn shan boqol oo qof ay dhinteen ka dib markii daadad iyo dhiiqo ay kusoo rogmadeen magaalada Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone.

Sideed boqol oo qof ayaa la sheegay in wali la la`yahay, waxaana laga cabsi qabaa in dadkaasi ay ku hoos jiraan dhoobada.

Waaxda gurmadka degdeg-ga ee dalka Sierra Leone ayaa sheegay in lix kun oo qof ay saameysay musiibada ka dhacday dalkaasi.

Waxaan jira dad badan oo ka barakacay guryihii ay deganayeen, kuwaa oo haatan ku nool fasalada dugsiyada wax lagu barto. Mussiibadan ayaa dhacday ka dib markii roobab mahiigan ah oo ka da’ay dalkaasi ay sababeen in buurihi ay soo rogmadaan.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response