Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay xidiga sannadka ee Yurub

by B.A.M | Friday, Aug 25, 2017 | 177 views

Hiiraan xog, Aug 25, 2017:- Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay ciyaaryahanka sannadka ee Yurub, isagoo abaalmarinta kaga guuleystay ciyaaryahanka kooxda Barcelona, Lionel Messi iyo goolhayaha Juventus, Gianluigi Buffon.

32 jirkan oo u dhashay dalka Burtuqiiska ayaa kooxda Real Madrid u sahlay in laba mar oo isku xigta ay ku guuleysato horyaalka Yurub. Waxaana uu sidoo kale Ronald uu ahaa shakhsiga ugu gool dhalinta badnaa horyaalka Yurub, isagoo xili ciyaareedkan dhaliyay 12 gool.

Waxaana ay noqoneysa markii saddexaad oo uu Ronald ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Yurub.

Sidoo kale gabadha lagu magacaabo Lieke Martens oo u dhalatay dalka Netherlands, una dheesha kooxda dumarka ee Barcelona ayaa iyadu na ku guuleysatay abaalmarinta, iyadoo kaga guuleysatay gabadha dhanka weerarka u qaabilsan koxda Wolfsburg Pernille Harde iyo Dzsenifer Marozsan oo iyana ka tirsan kooxda Lyon.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response