DAAWO VIDEO:- Waxgaradka Beesha Xawaadlle oo bayaan ka soo saaray shir uga socday magaalada Beledweyne

by B.A.M | Thursday, Aug 24, 2017 | 2139 views

Hiiraan Xog, Aug 24, 2017:- Iyadoo dowladda Soomaaliya dhawaan go’aan ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee khilaafkii soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle, kuna baaqay in la qabto doorasho madaxweyne’’ ayaa waxaa arintaa ka soo horjeestay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Odayaashan oo ku shiray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in mowqifka gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle markii horeba cadaa, sidaa daraadeed uusan jirin wax iska badalay mowqifkii beesha ee la xiriiray maamulka Hirshabeelle.

Kulanka kaddib ayaa bayaan ka soo baxay waxgaradka shiray waxaa warbaahinta u aqriyay Nabadoon Maxamed Cabdi Lixle, oo sheegay in beesha marnaba raali ka noqon doonin siyaasad la xiriirta maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale, bayaan ayaa lagu sheegay in go’aankii dowladda ee ahaa kursiga madaxweynaha  u tartami karaan musharixiin hal dhinac ah loo arki karo mid la doonayo in leysaga horkeeno beesha laguna abaabulo sida ku qornaa bayaanka dagaal dhiig ku daaddo.

Waxaa ugu danbeyntii loogu baaqay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha in ay ka soo qeybgallaan kulan ka dhici doona magaalada Beledweyne oo looga wada hadlayo siyaasada iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan.

Dhawaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa ku baaqay in shir deg deg ah oo ka furmaya magaalada Beledweyne, isaga oo ku wargaliyay siyaasiyiinta beesha in ay ka soo qeybgallaan shirka, waxaana lagu soo waramayaa in jiraan siyaasiyiin hor dhac ah oo gaaray magaalada Beledweyne.

Dhismihii maamulka Hirshabeelle ayaa mudo dheerba waxaa ka taagnaa khilaaf siyaasadeed kaddib markii ay ku gacanseyreen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo uu ugu horeeyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO BAYAANKA KA SOO KULANKA LAGU QABTAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response