AKHRISO:- Magacyada Golaha Wasiirada Cusub ee maamulka Galmudug uu magacaabay madaxweyne Xaaf

by B.A.M | Monday, Aug 21, 2017 | 370 views

Hiiraan Xog, Aug 21, 2017:- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa goor dhow ku dhowaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 22 wasiir 22 wasiir ku xigeen iyo 8 Wasiiru dowlayaal.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug in ay Ansixiyaan Golihiisa wasiirada oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo tayo leh.

Magacabsita Golaha wasiirada ayaa goor dhaw ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug ee xarunta KMG ee magaalada Cadaado.

Wasiiradan oo in mudo ahba la sugayay ayaa 70% waxa ay yihiin Wasiiradii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirada soo laabtay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga Cusmaan (Taardhuleed), Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo Wasiiro kale.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa Saxaafadda u akhriyay magacyada Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ka codsaday inay codka kalsoonida siiyan Golaha Wasiirada, si ay u dardar geliyan shaqada adag ee hortaala.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response