WAR DEG DEG AH Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo lagu dhawacay Muqdisho,

Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Raido Muqdisho iyo SNTV ayaa goor dhow ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay ka soo baxday Jaamacad ay dhigeyneysay.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4, iyadoo qaraxa uu waxyeelo ka soo gaaray iyada keligiid oo gaariga saarneyd, sida ay goob joogayaal sheegeen.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta dhawaca soo garay Wariye Hindiya Xaaji Maxamed isago oo sheegay in dhawaceeda uu yahay mid culus.

Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ka mid ahaa gabdhaha wariyeyaasha ee ka howl gala Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ee SNTV, waxaa seygeedu uu ahaa allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur oo sanadkii 2012 lagu dilay weerar lagu qaaday maqaaxida The Village ee gurigii Hooyooyinka, isaga iyo C/sataar Daahir Sabriye oo labaduba ka shaqeyn jireen Telefishinka SNTV.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply