Xidig:Shaqaallaha dowlada Xirfad u Ma lahan jagooyinka loo Magacabay,

by Mohamed Abdi Saney | Wednesday, Dec 2, 2015 | 158 views

Kadib kulan Maanta lagu qabtay Hotel SYL islamarkana ay ka qeyb galeen Masuuliyin ka Tirsan Dowlada Federalka Soomaliya ayaa looga hadlayay waajibadka Saran Shaqallaha dowlada,

kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay,Wasiiro Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdirashiid Maxamed Xidig, Gudoomiye ku Xigaynka Gobolka Banaadir  Ilmaan Nuur Iikar, iyo masuuliyeen ka kala socotay Maamulada Jubaland ,Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wasiiro Dowlaha Wasaarada arimaha gudaha C/rashiid Maxamed Xidig oo ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in lahelo shaqaala xirfad buuxda u leh shaqooyinka ay qabanayaan isagoo dhaliilay in ay jirto dad aan aqoon u laheyn jagooyinka loo Magacaabo.

Kulanka aya gabagabadii waxa aragti soo jeedin ku aadan tayeynta shaqaalaha isku dhaafsay qaar ka mid shaqaalaha wasaaradaha kale  ee dowlada iyo shaqaqaalaha dowlada hoose waxaana qof walba uu soo bandhigayay fikirkiisa ku aadan side loo tayn laha shaqalaaha laamaha kala duwan ee Dowlada.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response