Kubadd Sameyaha Kooxda Arsenal Ee Mesut OZIL Ayaa Ku Gulestay Lacibti Nimada Kooxda Arsenal

by Hiiraan Xog | Wednesday, Dec 2, 2015 | 248 views

Kubadd abuuraha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ka dul qaaday abaal marinta laacibka ugu fiican kooxda Arsenal ee bishii November kadib qaab ciyaareedkii wacnaa ee uu soo bandhigay.

Mesut Ozil ayaa 2-gool u dhaliyay kooxdiisa Arsenal bishii la soo dhaafay wuxuuna sameeyay fursado badan isaga oo noqday laacibkii ugu horeeyay ee gool caawiya 7 kulan oo xiriir ah Premier League.

Xidiga reer German ayaa helay mid kamid ah codadkii ugu badnaa ee laacib ka tirsan Arsenal uu ku qaado abaal marinta laacibka bisha wuxuuna ka sara maray Sanchez iyo Petr Cech oo aad ula tartamayay.

Sida aay u codeyen taageerayaasha Arsenal

1: Ozil  87.2%.

2: Sanchez  6%.

3: Petr Cech  1.8%.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response