DAAWO SAWIRADA:Ciidamada Dowlada oo Howlgalo ka Sameeyay Magaalada Muqdisho,

by Mohamed Abdi Saney | Wednesday, Dec 2, 2015 | 231 views

Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran iyo Ciidamada Booliska qeybta gobolka Banaadir ayaa Howlgalo ka Sameeyay Xaafaddaha degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho,

Howl galkan ayaa waxaa hogaaminayay Saraakiisha Booliska, waxaana ay sheegeen in si wanaagsan ciidamada ula dhaqmayeen shacabka ku nool degmadas, isla markaana si taxadar leh u baarayay guryaha iyo gaadiidka wadada marayay.

Jeneraal Cali Xiris Barre(Cali Gaab)Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in howl galkan uu ujeedadiisa ahaa in lagu xaqiijiyo ammaanka, isagoo ugu baaqay shacabka inay ciidamada la shaqeeyaan.

“Howl galkan waxaa uu ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayay, waxayna ciidamada mid mid u baarayeen guryaha, iyagoo si wanaagsan ula dhaqmayay shacabka”ayuu yiri Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay howl gallo dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay xaafadaha degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, inkastoo howl galkii xalay aanay jirin cid lagu soo qabtay

boolis howl (1) boolis howl (2) boolis howl (3) boolis howl (4) boolis howl (5) boolis howl (6) boolis howl (7)

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response