DAAWO SAWIRADA: Banaanbax lagu taageerayo Heshiiskii Gaalkacyo oo ka dhacay Kismaayo

Bananbax lagu Tageerayay Heshiiskii Madaxweynayasha Maamulada Galmudug iyo Puntland ay Maanta ku Gaareen Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay Magalaada Kismaayo,

Dibadaxayasha oo iskugu soo ururay beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismayo ayaa waxa ay siteen boorar ay ku xardhanaayeen halkudhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin heshiiskii ay madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ku kala sixiixdeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fagaaraha beerta xoriyadda ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madax ka tirsan Jubaland oo uu kamid yahay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere), Wasiirro iyo madax kale oo ka tirsan maamulka, kuwaaa oo soo dhaweeyay heshiiska lagu gaaray Gaalkacyo.

“Waa talaabo aad u wanaagsan oo ku dayasho mudane, waxaa loo baahanyahay in madaxda Soomaaliyeed ay wadahadal ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda ah,” ayuu yiri Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland.

Dhammaan dadkii ka hadlay goobta ayaa mahadcelin u jeediyay madaxda Soomaaliyeed ee dadaalka dheer gelisay sidii loo hakin lahaa xiisadihii ka aloosnaa Gaalkacyo.

Madaxweeyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis ku kala sixiixday garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, ayadoo heshiiskaasi ay garwadeen ka ahaayeen Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hiiraanxog
Hiiraanxog

2015122635846380620328170IMG_0765 2015122635846380827585529IMG_0766 2015122635846381317383067IMG_0775 2015122635846381459120405IMG_0779

 





Be the first to comment

Leave a Reply