Gacan ka hadal dhaxmaray Guudoomiyaha degmada Baladweyne iyo duqa Magalaada.,

by Mohamed Abdi Saney | Wednesday, Dec 2, 2015 | 372 views

Guudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow iyo duqa Magalaada Baladweyne Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow ayaa Maanta gacan ka hadal ku dhaxmaray Hoolka Shirarka ee Xaruunta degmada kadib Markii labadan Masuul ay kulan la qaadanayeen Sarakiil ka Socotay Ha’yada CRD.

Duqa Magalaada Baledweyne Cumar Aden ibraahim Baadiyow iyo Gudoomiyaha Dagmada Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow ayaa ku murmay sida loo maareenayo mucaawino ay Ha’yada CRD dooneyso in ay ka qeybiso Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan iyo degaanada ku dhow .

Gacan ka hadalkan dhaxmaray labada Masuul ee ka Tirsan Maamulka degmada Baladweyne ayaa waxaa soo kala gaaray dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dhanka Wajiga Daanka iyo qeybo ka mid ah jirkooda,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response