Xiisad ka Tagan Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,

Wararka nagaa soo gaaray Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Xiisad Coladeed oo u dhexeysa Maamullada Puntland iyo Galmudug ay ka tagan tahay Magaalada Galkacyo,

Goob joogayaal ku Sugan Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ayaa Hiiraanxog u sheegay in dadka ay ka cabsi qaban in iska horimaad uu dhaxmaro Ciidamada Galmudug iyo kuwa Maamulka Puntland iyado labada dhinac ay dhaqaaqyo Ciidanka wada Magaalada Galkacyo,

Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku sugan Wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaraha Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali gaas, iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam,(Axmed Madoobe), kuwaaso ku howlan Xalinta khilaafka ka dhexeya Maamulka Galmudug iyo Puntland,

Wixi warar ah ee ku soo kordha Xiisada ka Tagan Magaalada Galkacyo, kala soco Hiiraanxog,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply