Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulamo la leh Jaaliyada Soomaliyeed ee dalka Mareykanka,

by Hiiraan Xog | Tuesday, Dec 1, 2015 | 261 views

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan {Xaamud} ayaa ku sugan Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka, halkaasoo uu kulamo kula qaadanayo Mas’uuliyiinta Booliska ee Gobolkaas.

Jen, Maxamed Sheekh ayaa sheegay inuu kala hadlay Taliska Booliska Gobolka Minnesota sidii tababarka saraakiisha booliska, iyo sidii qibrad xaga dambi baarista uga kororsan lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in safarkiisa Minnesota uu ka dambeeyay, markii Taliyaha Booliska Gobolka Minnesota uu dhowr bilood ka hor booqasho ku yimid Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Jen. Maxamed Sheekh ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya uu u baahan yahay in la siiyo tababar iyo qalab, si taas loo helana Dowladda Soomaaliya ay kala kaashan doonto dowladaha saaxibka la ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh ayaa safaro ku tagayay dalalka dibadiisa, kaasoo la xiriiray dib u soo nooleynta xiriirkii Booliska Soomaaliya la lahaa Booliska Adduunka iyo kuwa dalalka deriska ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ka taageera Dowlada Soomaaliya dhinaca dhismaha ciidamada iyo qalabeynta iyo tabarida.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response