Madaxweynaha Puntland oo Aqbalay Qodobo u soo jeediyay RW Sharmarke,

by Hiiraan Xog | Tuesday, Dec 1, 2015 | 198 views

Ra’iisal wasaraha Xukumadda Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke ayaa Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug kulan kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas islamarkanaa ka wada hadlay Xalinta Khilaafkii ka dhashay dagalkii dhawan ka dhacay Galkacyo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aqbalay Afar Qodobo oo u soo jeediyay Ra’iisal wasaraha Soomaliya Cumar Cabdirashiid kuwaaso ay ka mid yihiin In la kala qaado Ciidamada isku hor fadhiya Magaalada Galkacyo ee kala Tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo in la dhiso Guddi ka shaqeeya Xalinta Colaada u dhexeysa Maamulka Galmudug iyo puntland,

Kulanka dhaxmaray Madaxweynaha Puntland iyo RW Sharmarke ayaa waxaa Goob joog ka ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam Madoobe, Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Safaaradda Britain, waxaana la sheegayaa in xubnahan ka socday Beesha Caalamka gacan ka geysteen sidii xal looga gaari lahaa qodobada.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response