DAAWO SAWIRADA:Ugaas Cabdiraxmaan oo ka qeyb galay Caleema Saarka Nabadoon Cusub, oo lagu qabtay Beledweyne

by Mohamed Abdi Saney | Tuesday, Dec 1, 2015 | 406 views

Mid ka mid ah Beellaha dega Gobolka Hiiraan ayaa manta Nabadoon Cusub ku Caleemo saartay Magalaada Baladweyne kadib Munaasabada ay ka qeyb Galeen Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaliif Ugaas Rooble iyo Xubno ka Tirsan odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Qurba joog

Munaasabada oo Hadalo kala duwan ay ka jeediyeen dadkii ka qeyb galay ayaa Soo dhaweyay Nabadoonka Cusub ee Maanta lagu Caleemo saaray Magaalada Baladweyne iyago kula dardarmay in uu Guto Howsha loo igmaday islamarkana uu si Cadaalad ah ugu shaqeeyo Bulshada Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beesha dooratay,

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka qeyb galay Munaasabada lagu Caleemo sarayay Nabadoonka Cusub ayaa sheegay in Nabadoonka looga bahan yahay in si Cadaalad ah ku Hogaamiyo Bulshada Maanta Dooratay isago yiri’’Halkan Maanta waxaa lagu Caleemo saray inaad si Cadaalad ah ugu shaqeeyso Bulshada ku Dooratay iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan Mahan waxaa lagu Doortay Siyaasad ee waa dhaqan waxaa laga raba inaad u kala eexan dadka ku doortay,’ayuu yiri’Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaliif,

Ugu damebyntii Nabadoonka Cusub ee Maanta lagu Caleemo Saray Magaalada Baladweyne Xassan Dhoodi Shiraar Cawaale oo Hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa balan qaaday in si Cadaalad ah ugu Adeegi doono Bulshada dooratay iyo Guud ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan, isago ka Codsad Beesha Caleema Saartay in ay la shaqeeyan,

hiiraanxog

hiiraanxog

Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (2) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (3) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (4) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (5) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (6) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (7) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (8) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (9) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (10) Nabadoon Cusub Caleemo saray Beledweyne HiiraanXog (11)

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska Wararka Hiiraan Xog,

Baladweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response