Dowlada Federaalka oo Beenisay in ay qeyb ka tahay Colaada ka Tagan Galkacyo,

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowlad Federaalka Soomaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa beeniyay eedeyn ka timid Maamulka Puntland oo ahaa in dagaalka Gaalkacyo ay qeyb ka tahay dowladda Federaalka, isagoo cadeeyay in dowladda aanay qeyb ka aheyn, balse ay qeyb ka tahay xalinta mushkilada ka dhex jirta Puntland iyo Galmudug.

Mahad Salaad ayaa sheegay in dowladdu ay wado xalinta colaadii Gaalkacyo iyo sidii aan mar kale dhiig ugu daadan laheyn, isla markaana dowladda Federaalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay dadka iyo deegaanada labada maamul.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mushikada ka jirta Puntland iyo Galmudug qeyb kama ahn, xalkeeda ayay qeyb ka tahay, waana Mas’uuliyad dadkaan iyo deegaanada ka saaran inay nabad ku wada noolaadaan, waana sababta keeneysa in Mas’uuliyiintii dowladda ay ku soo laab-laabtaan deegaanada”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo qeyb ka ah Guddiga heerka wasiir ee ku jira xalinta colaada ka taagan Gaalkacyo.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa sheegay in aanay dhowr boqol oo KM ugu soo safrin inay dhibaato abuuraan, balse ay dadaal ugu jiraan sidii dadka walaalaha loo kala bad baadin lahaa, isla markaana horumar iyo nabadgelyo ka shaqeynayaan, waxaana uu ugu baaqay labada dhinac inay gaaraan heshiis horseedi kara nabad iyo xasilooni

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay meel wanaagsan mareyso xalinta dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo, waxaana uu rajo ka muujiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan la soo afjaro, waxaana uu tilmaamay in dadaalka lagu xalinayo mushkiladaas qeyb ka yihiin dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, Xildhibaanada deegaanada iyo odayaasha dhaqanka.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa shalay ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka tahay dagaalka Gaalkacyo, isla markaana ciidamadeeda ku jiraan, waxaana dhibka ka taagan Gaalkacyo uu tilmaamay in dowladdu mas’uuliyadeeda qaadeyso, maadaama Maamulka Galmudug ay sharci darro ku taageertay.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply