DHAGEYSO: Maamulka Galmudug oo Soo Bandhigay Maxaabiis ka Tirsan Ciidanka Puntland,

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 30, 2015 | 181 views

Lix ka mid ah Ciidamada Maamulka puntland oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Dowlada Goboleedka Galmudug ayaa Maanta lagu soo Bandhigay Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug,

Goobta lagu soo bandhigayay Maxaabiistan ayaa waxaa Goob joog ka ah Saraakiil ka Tirsan Ciidamada dowlada Gobollada Galmudug iyago sheegay in Maxaabistan lagu soo qabtay Dagaaladii dhawan ka dhacay Magaalada Galkacyo,

Qar ka mid ah Maxaabiista Maanta ay soo bandhigeen Maamulka Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka codsanayan Maamulka Galmudug in dib Xoriyadooda loo siiyo iyago ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Maxamed Cali gaas in uu qaato Nabad,

Maxamed Cali Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Galmudug ayaa sheegay in Maxaabiistan gaaray lix qof lagu soo qabtay Dagaaladii ka dhacay Magaalada Galkacyo islamarkana si wanagsan loo la dhaqmay,

Halkan ka dhageyso,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response