DAAWO SAWIRADA: Madaxweynayasha Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed oo kulan ku yeeshay Galkacyo,

by Mohamed Abdi Saney | Monday, Nov 30, 2015 | 215 views

Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Federaalka iyo Xildhibaanno ayaa xalay kulan kula qaatay Koonfurta Gaalkacyo Madaxwaynaha Galmudug Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed. Waxaana ay ka wada hadleen daminta xiisadda ka taagan degmada Gaalkacyo ee u dhexeysa Galmudug iyo Puntland.

Wefdiga la kuomey Madaxweynaha Galmudug oo isagu gelinkii danbe ee shalay soo gaarey Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ahaa wefdigii Raysalwasdaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke .

Mudane Shariif Xasan ayaa kulanka ka sheegay in dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mar walba uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xasilloonida dalka. Isagoo boggaadiyey sida ay Madaxda Galmudug dhankooda u aqbaleen in wixii khilaafka ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is qancin.

Dhanka kale. Madaxwayne Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyey Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdiga la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda sokeeye ee ka taagan deegaanka, iyadoo uu xusay Galmudug dhankooda in ka go’an tahay wax walba oo lagu soo celinayo nabadda deegaanka iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.



Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response