DAAWO SAWIRADA: Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyada oo Gaaray Beledweyne Xarigan ka jaray Mashaariic kala duwan,

by Mohamed Abdi Saney | Sunday, Nov 29, 2015 | 425 views

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Aadan ibraahim Fargeeti oo ay weheliyan   Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ariimaha Guudaha iyo Federaalka Xaaji Cali sheikh Maxamed iyo Madax Mashariicda Adeega Malgalinta gaar ah Cali Xaaji Aadan iyo Masuuliyin kale ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan,

Wasiirka Maaliyada Xukumadda Soomaliya Maxamed Aadan ibraahim Fargeeti ayaa Xariga ka jaray Mashariic dhowr ah oo laga hirgaliyay Magaalada Baladweyne kuwaaso ay ka mid yihiin dhismaha Xaruunta Maamulka Gobolka, kan degmada Beledweyne, Holka shirarka, iyo labo suuq oo laga hirgaliyay Xaafaddaha Xaawo Taako iyo Howlwadaag,

Wafdiga wasiirka Maaliyada ayaa Xubno ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalad Baladweyne Kulan kula qaatay Hoolka shirarka Xaruunta Maamulka Gobolka oo Maanta Xariga laga jaray,

Madax Mashaariicda Adeega Maalgalinta Gaar ah oo Hoos taga Wasarada Maaliyada Xukumadd Federaalka Soomaliya Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in Mashariicdan laga Hirgaliyay Magaalada Baladweyne ay ka kooban tahay dib u dacytir lagu Sameeyay Xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka kooban labo dabaq, dabaqa sare wuxu ka kooban yahay Todobo Xafiis, dabaqa labad wuuxu ka kooban yahay labo Xafiis, iyo Hool loogu talo galay shirarka, sido kale waxaa dib u dacytir lagu sameeyay Xaruunta Maamulka degmada Baladweyne, oo ka kooban Shan Xafiis, waxa kalo la dhisay Hool ay ku shiran odayasha dhaqanka,Gobolka Hiiraan, Xaruunta ay ku shaqeyn Maxkamadda degmada Baladweyneiyo hool weyn oo lagu talo galay in lagu in lagu qabto shirarka,iyo labo Suuq oo laga hirgaliyay Xaafaddaha Xaawo Taako iyo Howlwadaag, Suuqa laga dhisay Xaafadda Xaawo Taako wuuxu ka kooban yahay 60 Tukan, kan laga hirgaliyay Howlwadaag wuxu ka kooban yahay 52 Tukan,

Guudoomiyaha Qurba joogta Gobolka Hiiraan Tawane Sabriye oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa Xubnaha wafdiga uu sheegay in Muddo Sideed Bilood ay Magaalada Baladweyne ka fidsan tahay Shir dib u heshiisiin islamarkana lagu heshiisiiyay Beellaha dega Gobolka Hiiraan isago sheegay in dowlada Federaalka looga bahan yahay in ay Tixgaliyan, waxan uu intaas uu ku daray in uu jiro khaalif ka dhax tagan maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne islamarkana loo bahan yahay in wax laga qabto,isago sheegay in Ciidamada dowlada Federaalka ee Gobolka Hiiraan Muddo Lix Bilood aysan qaadan wax Mushaar ah islamarkana looga fadhiyo dowlada in ay bixiso Xuquuqda Askarta Gobolka Hiiraan,

Wasiir ku Xigeenka Wasarada Ariimaha Guudaha iyo Federaalka Soomaliya Xaaji Cali   sheikh Maxamed ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ogtahay in Sideed Bilood uu shir Dib u heshiisii uu ka socdo Magaalada Baladweyne islamarkana ay ugu mahad Celiyan Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan sida ay iskugu Xil qameen in ay qabtan shir dib u heshiisiin islamarkana lagu heshisiiyay Beellaha dega Gobolka Hiiraan,isago oo sheegay in Go’aan ka gaarsita Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay Talada ay ka go’do Bulshada labada Gobol,

Sido kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ariimaha Guudaha iyo Federaalka Xaaji Cali sheikh Maxamed ayaa sheegay in Dastuurka Federaalka uusan qabin in la kala qaado Guudoomiyaha degmada iyo duqa Magaalada islamarkana sharciga uu qabo Guudoomiyaha degmada ahna Duqa Magaalada,

Wasiirka Maaliyada Xukumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in Mashariicdan Maanta Xariga laga jaray ay wax badan ka Tari doonaan Nolosha dadka ku Nool Magaalada Baladweyne isago kula dardarmay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne in ay ilaaliyan mashariicdan maanta Xariga laga jaray,waxan uu Xusay in Cabashada ay qaban Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan u u gudbin doono Madaxda Dowlada Federaalka iyo Wasaradaha ay Quseyso,isago oo sheegay in ay wax ka qaban doonaan Mushar la’aanta ay ku shaqeeyn Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya ee Gobolka Hiiraan,

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyada Xukumadda Soomaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Guudoomiye ku Xigeenka Maamulka Gobolka Hiraan Maxamed Ibraahim cabdulaahi ayaa kala saxiixday Tukumiinti Cadeynaya Mashariicdan laga hirgaliyay Magaalada Baladweyne islamarkana Maanta Xariga lag jaray,

Hiiraan Xog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

Hiiraanxog

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

Hiiraanxog

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

DCIM100MEDIA

Hiiraanxog

Hiiraan Xog

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response