Fafaahin Dheraad ah Dagalka Ka Socdo Magalada Gaalkacayo ?

Hiiraan
Hiiraan Xog

Fafaahin dheraad ah, Dagaalka Saaka ee Gaalkacayo ayaa ka dhacay xadka ay Wadaagaan Labada maamul, iyadoo Hal qof uu halkaasi ku dhintay Shan kalena dhaawac uu soo gaaray.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Puntland ay xalay kasoo dhaqaaqeen fariisinkoodii hore, lana arkay iyaga oo saaka ku sugan meel ay horay difaacyo u dhigteen ciidanka Galmudug.

Taasi waxay keentay in dib loo dagaallamo, waxaana dib u laabtay ciidamadii Puntland, iyadoo hadda Labada dhinac ay kala joogaan meeshii ay ku ogaayeen Odayaashii nabadeynta waday.

Rasaas teel teel ah ayaa laga maqlayaa magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan halka ay isku hor fadhiyaan Labada ciidan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo dadaal ballaaran oo ay ku dooneyso inay ku xalliso xiisadda Gaalkacyo, iyadoo Ra’iisul wasaare Cumar iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa ku sugan yihiin magaalada Garoowe.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





About Hiiraan Xog 2103 Articles
Wariye Mohamed Abdi Saney

Be the first to comment

Leave a Reply