RW Soomaliya oo u Ambabaxay Magalooyinka Galkacyo,Garoowe, iyo Cadaado,

by Mohamed Abdi Saney | Friday, Nov 27, 2015 | 170 views

Wafdi uu hoggaaminayo RW Somalia ayaa maanta u ambabaxay magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Cadaado, si xal looga gaaro dagaallo dhawaan ciidanka maamullada Puntlandi yo Galmudug ku dhexmaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ra’iisal Wasaraha Soomaliya, oo Puntland ay shalay ka horjoogsatay inuu tago Gaalkacyo ayaa la sheegay in maanta ay ogolaadeen, kaddib dadaallo lagu bixiyay inaanay hor-is-taag ku sameyn socdaalka ra’iisul wasaaraha Somalia.

Xubnaha wafdiga RW Somalia ayaa waxay isugu jiraan wasiirro iyo xildhibaano; waxaana inta ay socdaalka ku maqan yihiin lagu wadaa inay kulammo la qaataan wax-garadka iyo mas’uuliyiinta deegaannada Galmudug iyo Puntland.

Inkastoo RW Somalia iyo wafdigiisa aysan la hadlin warbaahinta ayaa haddana waxaa lagu wadaa in marka ay tagaan Gaalkacyo ay ka warbixiyaan safarkooda iyo waxay doonayaan inay ka qabtaan colaadda Gaalkacyo ka taagan.

Wixi ku soo kordha Safarka RW Soomaliya kala soco Hiiraanxog

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response