Ra’iisal Wasaraha Soomaliya oo Gaaray degmada Cadaado,

by Mohamed Abdi Saney | Friday, Nov 27, 2015 | 251 views

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisa wasaraha Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmake ayaa gor dhow gaaray Magaalada Cadaado ee Xaruunta KMG ee Dowlad Goboleedka Galmudug,

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa inuu Cadaado kula kulmo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, isagoo kala hadli doona sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasoo qorshahooda yahay soo afjarida xiisada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu u gudbi doono magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, si uu ula kulmo Mas’uuliyiinta Puntland iyo nabadoonada iyo waxgaradka ku howlan dadaalada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaada.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay lagu waday inuu tago Gaalkacyo ayaa ka baaqday, sababo la sheegay in Puntland diiday inuu yimaado, hase ahaatee mar dambe aqbashay wada hadalo kadib.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay nabad u kala dhex dhigi laheyd labada maamul ee deriska ah, kuwaasoo maalmo ka hor ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.

Hase ahaatee waxaa walaac xoogan laga muujinayaa xiisada dagaal ee wali ka jirta Gaalkacyo iyo abaabulada ay labada dhinac wadaan, taasoo ka dhalatay barakac ballaaran oo ay sameeyeen dadkii deegaanka.

Dadaalada nabadeed ee ay wadeen odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayaa suura gelin waayay in midba midka kale uu u hogaansamo heshiiskii maalmo ka hor lagu dhawaaqay ee xabad joojinta ahaa iyo in la kala qaado ciidamada is hor-fadhiya.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response