DHAGEYSO: Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in Howlgalo laga fuliyay deegano ka Tirsan Gobolka lagu dilay Ragga ka Tirsan Al Shabaab,

Guudoomiye ku Xigeenka dhanka Aminga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdulaahi ayaa sheegay in Howlgalo Ciidamada dowlada ay ka fuliyeen deegano ka Tirsan degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan ay ku dileen Ragga ka Tirsan Al shabaab,

“Howlgalka ay sameeyeen ciidammada dowladda waxaa uu dhacay habeen ka hor, ragga la dilay waxaa ka mid ahaa sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo muddo lagu raad-joogay,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim.

Sido kale Guudoomiye ku Xigeenka Aminga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdulaahi ayaa hseegay in ka hor sanadka 2016-ka loo baahnaa in Al-shabaab in laga saaro deegaannada gobolka Hiiraan oo idil, balse arrintaa aysan suuro-gelin sababo lagu sheegay inay inay la xiriiraan roobab ka da’aya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Inkastoo Al-shabaab laga saaray inta badan degmooyinka Gobolka Hiiraan dhinaca kale waxaa jirra deegaanno ay wali maamulaan taa oo caqabad ku ah isku socodka dad iyo gadiidka isaga tallaaba degmooyinka ay dowladda maamusho.

Halkan ka dhageyso,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply