Ciidamada Booliska Beledweyne oo Gacanta ku soo dhigay Afar Ruux oo ay ku jirto Haweeney Ninkeeda Sumeysay,

by Mohamed Abdi Saney | Friday, Nov 27, 2015 | 208 views

Ciidamada Booliska degmada Beledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay Afar Ruux oo ay ku jirto Haweeney ninkeeda Sumeysay kadib markii uu soo dhax galay khilaaf iyo Haweeney kale oo qorsheyneysay in ay disho ninkeed iyo Labo nin oo lagu soo eedeyay in ay wax ka ogayeen dilka marxuunka dhintay,

Taliyaha Rugta Booliska Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne Cabdiqaadir Maxamuud Axmed ayaa sheegay in dilkan uu dhacay 25-kii bishan islamarknaa Ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigeen Haweeneydan ninkeeda Sumeysay kadib markii Baasto ay ugu dartay Sun iyo Haweeney kale oo Qorsheyneysay in ay disho ninkeeda,iyo labo nin oo kale oo lagu soo eedeyay in ay wax ka ogayeen dilka Marxuunka Geeriyooday,

Sido kale Taliyaha Ruga Booliska Xaafadda Howlwadaag ee degmada Baladweyne Cabdiqaadir Maxamuud Axmed ayaa sheegay in Afartan Ruux ay ku Xiran yihiin Rugta Booliska Howlwadaag islamarkana ay qorsheynayaan in ay ku wareejiyaan Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Gobolka Hiiraan,si Sharciga loo horkeeno eedeysanayashan,

Dhacdooyinka nuucan oo kale ayaa mudooyinkii ugu dambeyay ku soo kordhayay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan iyado dhawan haweeney ninkeeda ay ku dishay Toori,

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response