Pope Fransis oo kenya ugu baaqay nabad & dib u heshiisiin

Baadariga Catholic-ga, Pope Francis, oo booqashadiisii ugu horeysay ee rasmi ah ku maraya qaaradda Afrika, ayaa ugu baaqay shacabka Kenya in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Pope-ka ayaa sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo ilaalinta bii’adda, daryeelidda dadka saboolka ah iyo in si wanaagsan maalka loo gaarsiiyo dadka.

Shacab aad u faraxsan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Dalka Kenya ayaa la tacaalaya dhibaato kaga timid ururka Al-shabaab ee Soomaaliya fadhigiisu yahay iyo musuq maasuq baahsan.

Baadariga ayaa muddo 5 maalmood ah booqashadiisa ku mari doona dalalka Kenya, Uganda iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





About Hiiraan Xog 2103 Articles
Wariye Mohamed Abdi Saney

Be the first to comment

Leave a Reply