Kooxaha Usoo Baxay Wareegga 16-ka Ee UCL Iyo Kuwo Laga Baqayo Inay Isaga Haraan Tartanka

by Hiiraan Xog | Thursday, Nov 26, 2015 | 282 views

Kaliya hal todobaad ayaa harsan kulamadii heerka Group-yada ee Champions League.ka koox walba ayaana isku dayaysa iney xaqiijiso booskeeda halka kooxaha kale ay xili hore soo baxeen.

Dhamaan kooxaha Ingiriiska ayaa wajahaya tartan xoogan si ay natiijooyin wanaagsan ugu helaan kulamadooda soo socda kahor wareega 16-ka

Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ayaa wali tartan ugu jira iney soo baxaan halka Manchester City ay mar hore xaqiijisay booskeeda 16-ka

Hase ahaatee yaa ay tahay iney wali soo baxaan? Kooxahee soo baxay ilaa haatan? yaase ugudbay koobka kale  Eufa?

Hoos ka Akhri Dhamaan sida ay Group-yada kooxaha ugu soo kala baxeen ama ay fursad ugu haystaan iney soo baxaan

GROUP A

Real Madrid: Halka ugu sareysa ayay kusoo baxday iyadoo kulan dhiman yahay
PSG:  Waxaa ay kusoo baxday kaalinta labaad

Shakhtar Donetsk: Waa ay hartay, waxaase ay natiijo wanaagsan dooneysaa kulanka Malmo si ay ugu soo baxdo Europa League)
Malmo: Waa ay hartay waxana ay natiijo wanaagsan ka dooneysaa  Shakhtar kulanka PSG si ay ugu soo baxdo Europa League

GROUP B

Wolfsburg: Wali sooma aysan bixin, waxaana ay ubaahan tahay hal dhibic kulanka Man Utd, hadiise laga badiyo waxaa ay kusoo bixi kartaa iiyadoo PSV ay ku guul dareysato iney garaacdo CSKA)

Manchester United: Wali sooma aysan bixin, (waxaa qasab ku ah iney badiso, waxaase ku filan bar bardhac, hadii PSV ay bar bardhac ama guuldaro kala kulanto CSKA)

PSV: Wali sooma aysan bixin, waxa ay ubaahan tahay guul iyo in  Man Utd laga badiyo kulanka Wolfsburg)

CSKA Moscow: Waa ay hartay, waxaana ay ubaahan tahay iney garaacdo PSV si ay ugu soo baxdo kaalinta sedexaad ee   Europa League)

GROUP C

Benfica: Waa ay soo baxday (Waxeyse ubaahan tahay hal dhibic si ay kaalinta koobaad ugu dhameysato)

Atletico Madrid: Waa ay soo baxday, waxaase ay ubaahan tahay guul kulanka Benfica si ay kaalinta koobaad ugu dhameysato)

Galatasaray: Waa ay hartay, waxaase ay ubaahan tahay bar bardhac kulanka Astana, si ay ugu soo baxdo  Europa League)

Astana:
Waa ay hartay, waxaana ay ubaahan tahay iney garaacdo  Galatasaray si ay ugu soo baxdo Europa League)

GROUP D

Juventus: Waa soo baxday, waxaana ay ubaahan tahay hal dhibic si ay ugu dhameysato kaalinta koobaad )

Manchester City: Waa ay soo baxday, waxaana ay ubaahan tahay iney ka badiso  Gladbach isla markaana laga badiyo Juventus si kaalinta koobaad ugu soo baxdo

Borussia M’gladbach: Waa ay hartay, waxaa ay ubaahan tahay guul kulanka Man City si ay ugu soo baxdo kaalinteeda the Europa League)

Sevilla: Waa ay hartay waxaana ay ubaahan tahay iney garaacdo  Juve ayna rajeynso in City ay garaacdo Gladbach si ay ugu soo baxdo Europa League)

GROUP E

Barcelona: Waxaa ay kuso baxday kaalinta koobaad

AS Roma: Wali waxaa ay ubaahan tahay iney ka badiso BATE waxaa kale oo ay kusoo baxdaa hadii Leverkusen ay ku guul dareysato iney badiso )

Bayer Leverkusen: Waxaa ay ubaahan tahay iney garaacdo  Barca ayna rajeyso in  Roma ay badin weyso)

BATE Borisov: Waxaa ay ku qabsan tahay iney garaacdo  Roma ayna rajeyso in Leverkusen ay guul dareysato)

GROUP F

Bayern Munich: Waxaa ay kusoo baxday halka ugu sareeya ee Group-kan

Olympiacos: Wali waa ay soo bixi kartaa, waxaase ay ubaahan tahay bar bardhac, waxaa sidoo kale ay kusoo bixi karaan iyadoo Arsenal ay ku guuleysato  1-0 ama 2-1)

Arsenal: Wali waa ay soo bixi kartaa, waxaase qasab ku ah iney  Olympiacos ku garaacdo 2-0, sidoo kale waxaa ay kusoo baxdaa natiijo ka badan 4-3 ama waxii ka badan)

Dinamo Zagreb: Waa ay hartay, (Xataa fursad uma haysato kaalinta Europa League)

GROUP G

Chelsea: Wali sooma aysan bixin, waxaa ay ubaahan tahay bar bardhac kulanka Porto ama in Dynamo ay badin weyso

Porto: Wali sooma aysan bixin, waxaana ay ubaahan tahay iney garaacdo Chelsea ama ay rajeynso in Dynamo ay ka badin weyso Maccabi)

Dynamo Kyiv: Wali sooma aysan bixin, waxaase qasab ku ah iney ka badiso  Maccabi)

Maccabi Tel-Aviv: Waa ay hartay rajana kama lahan Europa League)

GROUP H

Zenit St Petersburg: Waxaa ay kusoo baxday kaalinta koobaad

Gent: Wali waa ay soo bixi kartaa waxaana ay ubaahan tahay guul kulanka Zenit, ama in  Valencia ay ku guul dareysato iney badiso

Valencia: Wali waa ay soo bixi kartaa, waxaana ay ubaahan tahay iney garaacdo Lyon isla markaana ay rajeyso in  Gent ay ka badin weyso Zenit)

Lyon: Waa ay hartay xataa fursad uma haysato iney usoo baxdo Europa League)

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response