Gunners Oo Heshay Beddelka Coquelin, Waa Kee Ciyaariyahankaasi?

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa isku dayaysa iney lasoo saxiixato bisha January qadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen Lars Bender  sidaas waxaa sheegaya Website-ka  Calciomercato.

26-jirkaan ayaa la aamisan yahay inuu bartilmaameed uyahay macalin Arsene Wenger si uu badal ugu noqdo ciyaaryahanka dhaawaca dheer ku maqnaanaya ee Francis Coquelin.

Wenger ayaa sheegay inuu bisha January sameyn doono saxiixyo cusub si kooxdiisa uu uga dhiso meelaha ay ciladaha ka haystaan.

Bender ayaa mudo dheer lala xariirinayay kooxda Arsenal ee ka dhisan garoonka Emirates hase ahaatee waxaa ay ubadan tahay in bisha January ay heli doonto.

Tababaraha Arsenal ayaa dhanka kale ka cabsanaya in kooxda Juventus ay ka dulqaado xidiga mudada dheer bartilmaameedka u ahaa ee Isco.

Kooxda Italy ka dhisan ayaa dooneysa iney Isco bisha January ku hesho amaah maadaama ay ku adkaaneyso inuu boos ka helo kooxdiisa.

Man City ayaa sidoo kale ku jirta tartanka loogu jiro 23 jirka qaranka Span ee ka ciyaara qadka dhexe iyo garbaha.

Dhanka kale Tababaraha Arsenal ayaa bisha January udhaqaaqi doona sidii uu usoo xera gelin lahaa weeraryahanka Corithianis Alexandre Pato.

Macalin Wenger ayaa la kulmay agaasimaha kooxda Brazil ka dhisan ee Edu kaas oo kala hadlay qaabkii uu Pato ugu soo biiri lahaa Emirates.

Hase ahaatee macalin Wenger ayaa tartan xoogan kala kulmaya kooxaha London ka dhisan ee Tottenham iyo Chelsea halka ay sidoo kale xiiseynayaan United iyo Liverpool.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





About Hiiraan Xog 2103 Articles
Wariye Mohamed Abdi Saney

Be the first to comment

Leave a Reply