(DHAGEYSO) Col Dubad: Al Shabaab inta badan deegannada Gobolka Hiiraan Waa laga Saaray,

DCIM101MEDIA

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midoowga Afirka ee AMISOM ee Gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad Sugule,ayaa sheegay in Amaanka Guud ee Gobolka Hiiraan uu yahay mid wanagsan islamarkana wada shaqeyn wanagsan ay ka dhaxeyso Ciidamada Hiil walal kuwa dowlada iyo Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan, islamarkana ay iska kashadan sugidga Aminga,

Col Cismaan Dubad Sugule ayaa sheegay in Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midowgga Afrika ay tababareen Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Fedeeralka Soomaliya oo gaaray 1,300 oo Askari islamarkana ay kaalin weyn ay ka qateen Dagaalka ka dhan ah Al shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan,

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad Sugule ayaa sheegay in marka laga soo Tago dagalka Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay kula jiran Al shabaab ay jiran Ciidamo maleeshiyada ah oo Al shabaab kula dagalamay deegano ka Tirsan Gobolka Hiiraan,

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ayaa ka howlgala Degmooyinka jalalaqsi Bula burde iyo Caasimada Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kuwaaso marka laga soot ago dagalka ay kula jiran Al shabaab ka qeyb qaata Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Halkan ka dhageyso,

Col Cismaan dubad

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya,

Nagala Soo Xiriir,





Be the first to comment

Leave a Reply