Tababare Jose Mourinho ayaa xalay muujiyay sida uu uga xunyahay qaab ciyaareedka liita ee weerar yahanka reer Spain ee Diego Costa

Hiiraan
Hiiraan Xog

Tababare Jose Mourinho ayaa xalay muujiyay sida uu uga xunyahay qaab ciyaareedka liita ee weerar yahanka reer Spain ee Diego Costa kaas oo aan wax gool ah dhalin kulankii xalay.

Hiiraan
Hiiraan Xog

Diego Costa oo kulankii Norwich goolka guusha u dhaliyay kooxdiisa ayaa xalay qaybtii hore qasaariyay dhawr fursadood oo goolka u furnaa taas ayaana keentay in Mourinho uu ka caroodo.

Waqtigii nasashada ayaa la arkayay Diego Costa oo ka caraysan hab dhaqanka iyo hadalada tababare Jose Mourinho taas oo keentay in ciyaarta kadib wax laga waydiiyo tababaraha reer Portugal.

Balse Jose Mourinho ayaa ku jawaabay.

Waxaan dareemay rajo xumo, wuxuu ahaa falcelintiisii ugu horaysay, qaabka uu u falceliyay waa mid fiican’ qaybtii dambe qolka labiska waxaa ka jiray xoogaa shumis iyo hab isisiin.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





About Hiiraan Xog 2103 Articles
Wariye Mohamed Abdi Saney

Be the first to comment

Leave a Reply