Xiisad ka jirta Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug,

Vivitar

Wararka laga helayo Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka jirto magaalada, iyadoo wali ay is hor-fadhiyaan ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa saaka bilaabay inay isaga barakacaan xaafadaha qaar, iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, kadib markii ay adkaatay in dhinacyadii maalin ka hor dagaalamay in la kala qaado.

Inkastoo heshiis xabad joojin ah oo saddex qodob ka kooban ay shalay kaga dhawaaqeen magaalada Gaalkacyo odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada labada dhinac ayaa hadana heshiiskaas wali muuqan inuu dhaqan galay.

Wariyaha Hiiraanxog ee Magaalada Galkacyo Siraaje Yuusuf Sugaal ayaa soo sheegaya in Xaaladda Magaalada ay maanta tahay mid kacsan Taaso cabsi badan ku abuurtay dadka ku nool Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug,

Dagaalkii maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ka dhashay markii wado laami ah oo ay dhisayeen maamulka Puntland ay soo gaartay dhinaca Galmudug, taasna ay keentay in is rasaaseyn uu bilowdo.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply