MUUQAAL+SAWIRO:Oday dhaqameed iyo Qurbo joog Sharuud ku Xiray dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe,

Kadib kulan lagu qabtya Xaruunta shirka dib u Heshiisiinta iyo Aayo ka Talinta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay oday dhaqameed waxgarad,iyo Qurbo joog kuwaaso Sharuud ku Xiray dhismaha Maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe,

Qurba joogta iyo waxgaradka ka qeyb galay kulan ayaa markale sheegay in Gogasha shirka Maamul u sameeynta Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay Muddo ka badan Todobo Bilood ay ka Fidsan tahay Magaalada Baladweyne islamarkana loo bahan yahay in laga soo qab galo iyago sheegay in Xaruunta dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay tahay Magalaada Baladweyne,

Abuukar Cawaale oo ka mid ah Qurba joogta Gobolka Hiiraan ayaa Hiiraan Xog u sheegay in Bulshada Gobolka Hiiraan ay diyaar u yihiin marti galinta shirka Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe, isago sheegay in hadii dowlada Federaalka ay ku adkeysato in Shirka lagu qabto Magalaada Jowhar ay Tashan doonaan Reer Hiiraan islamarkaana ay u laaban doonaan Hiiraan oo labo Gobol.ah,

Mahan markii ugu horeysay oo shir nuucan oo kale ay ka qeyb galan odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Qurba joogta islamarkanaa looga hadlayo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe iyado Magalaada Baladweyne ay isku diyaarisaya marti galinta shirka Maamulka labada Gobol, inkasto Wasaarada Ariimaha Gudaha iyo Federaalka aysan wali ku dhawaaqin Magaalada Marti galin doonta shirka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe,

HALKA DAAWO MUUQALKA ODAYASHA IYO QURBO JOOGTA,

odayasha dhaqanka iyo qurba joog Hiiraanxog (2) odayasha dhaqanka iyo qurba joog Hiiraanxog (3)odayasha dhaqanka iyo qurba joog Hiiraanxog (5) odayasha dhaqanka iyo qurba joog Hiiraanxog (4)  Hiiraanxog odayasha dhaqanka iyo qurba joog Hiiraanxog (7)

odayasha dhaqanka iyo qurba joog Hiiraanxog (6)

Maxamed Cabdi Saney,

Xafiiska wararka Hiiraan Xog,

Beledweyne,

Soomaliya

Nagala Soo Xiriir,

Hiiraanxog@gmail.com,

Sanka4229@gmail.com.

Hiranxog@gmail.com,





Be the first to comment

Leave a Reply