Wasiirka Warfaafinta PL” waxaan diyaar u nahay inaan wada hadal la galno Galmudug,

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud  Xasan Soocadde oo la hadlay Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Galkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug islamarkana uu dhexeyay Ciidamada Maamullada Galmudug iyo puntlnad kaaso sababay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamuud Xasan soocadde ayaa sheegay in Maamulka Puntland  uu diyaar u yahay wada hadal ay la galaan Maamulka kale ee Galmudug.

“Puntland waxaa ay diyaar u tahay  in ay la hadasho Maamulka Galmudug oo Puntland waligeed ma raadin Colaad Nabadda ayey ka shaqeysaa”ayuu yiri Soo cadde.

Shalay ayey aheyd markii Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply